Sweden: Waxaan 34 sano kadib ogaanay cida dishay Ra’iisul Wasaare Olof Palme.

0
151
Swedish Prime Minister Olof Palme 1986

Dacwad-oogayaal booliska Sweden katirsan, una xilsaarnaa baaritaana dilkii loo geystay reysulwasaarihii hore ee dalkaas Olaf Palme, ayaa shaaciyay magaca ninkii dilay raysalwasaare Olof Palme sanadkii 1986dii. Waxeyna arintan soo afmeeraysa kiiskan oo furnaa muddo soddon iyo afar sano ah.

Ninka ay dacwad ooggayaasha u aqoonsadeen in uu dilay ra’iisal wasaaraha ayaa magaciisa lagu sheegay Stig Engstrom, wuxuuna is dilay sanadkii 2000.

R.W Olof Palme ayaa lagu yaqaannay inuu qof cod-kar ah, kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray – gudaha iyo dbaddaba dalkiisa Sweden – Wuxuu xilliga la dilay uu kujiray muda xilkeedkii labaad ee uu ku guuleystay kursiga reysulwasaaraha Sweden.

Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’iisul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim usoo daawad, isaga oo aan ilaalo ama waardiyeyaal. Wuxuuna jeclaa inuu u noolaado sidii qof caadi ah oo bulshada katirsan.

Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay natiijada baaritaankii lagu waday falkaas oo argagax galiyay bulsho weynta caalamka.

Ilaa markii uu dilka Ra’iisul Wasaaraha dhacay, waxaa si tiro la’aan ah usoo baxayay sheekooyin ku tiri ku teen ah oo la xiriira dhacdadaas.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments