torsdag, april 25, 2024

Sweden oo ogolaatay safarada gudaha ah ee dalkaas.

Reysulwasaaraha dalka Sweden Stefan Lovfen ayaa shir jaraa´id oo uu shaley qabtay ku sheegay in dowlada Sweden ay ogolaatay safarada gudaha dalka Sweden ah, wixii ka danbeeyo 13-ka bishan Juni.

Dowlada Sweden ayaa ogolaatay in dadka dalkaas kunool ay isaga gudbi karaan magaalooyinka gudaha ah ee Sweden, hadii aysan jirin calaamado muujinayo inay qabaan xanuunka Covid-19.

Sweden ayaa ah dalka uu saameynta dhimasho ee ugu badan ku yeeshay xanuunka Corona-virus, marka la barbardho wadamada kale ee Nordica. Shaley oo kali ah waxaa Sweden covid-19 udhintay 74 qof oo Sweden kunool.

Xigasho/kilde: Sverige åpner for innenlandsreiser

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x