Stavanger: Nin caruurtiisii hooyadood kala dhuuntay oo 2,5 sano xabsi ah lagu xukumay.

0
79
Maxkamada Stavanger Foto: Terje Vines, Wikimedia Commons

Maxkamada Racfaanka ee Gulating Lagmannsrett ayaa nin 34 sano jir ah ku xukuntay labo sano iyo bar xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu labo caruur ah oo uu dhalay ka kaxeystay hooyadood, kadibna uu iyada oo aan raali ka aheyn uga soo tagay xadka dalalka Pakistan iyo Afgaanistan. Dacwad oogayaasha booliska ayaa ninkan kusoo oogay danbi ah inuu afduubtay caruurtiisii.

Sida uu qoray wargeyska Stavanger Aftenblad ninkan ayaa xagaaga sanadkii 2018 labada caruurta ah ee uu dhalay, Norwayna ku dhashay, u kaxeystay dalalka Pakistan. Wuxuuna caruurta hooyadood oo ay kala tageen ku wargaliyay inuu caruurta soo tusi doono hooyadiis oo da´ah, isla markaana xanuunsan.

Hooyada caruurta dhashay ayaa maxkamada kahor sheegtay in inta aan caruurta Norway laga kaxeynin kahor, ay ku balameen inuu soo celiyo marka ay soo dhameystaan fasaxa iyo booqashada Pakistan. Balse taas ma dhicin oo waxey sheegtay inuu kaligiis kusoo noqday Norway, isaga oo caruurtiina uga soo tagay xuduuda Pakistan iyo Afgaanistaan.

Hooyada caruurta dhashay ayaa sheegtay inaysan ubadkeeda arag mudo 2 sano ah, laguna wargaliyay inay timaado dalka Pakistan, hadii ay rabto inay caruurteeda aragto. Sidoo kalena ay ku noqoto(is guursadaan) aabaha caruurta. Balse haweeneydan ayaa sheegtay inay nafteeda u cabsaneyso hadii ay halkaas tagto.

Booliska oo lagu wargaliyay kiiska ayaa xabsiga dhigay aabaha caruurta kaxeeyay, waxaana hadana lagu xukumay 2 sano iyo bar xabsi ah.

Xigasho/kilde: Får ikke se barna sine hvis hun ikke gifter seg med kidnapperen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments