Soomaali-Swedish Corona-virus ugu dhintay xabsi kuyaal Mareykanka.

0
91
Mohamed Yusuf: Somali-Swedishka xabsiga ku geeriyooday

Sida uu qoray wargeyska KSBYNEWS, waxaa xabsiga Lompoc ee gobolka California ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Mohamed Yusuf oo ahaa 37 sano jir soomaali ah oo heystay dhalashada dalka Sweden. Wuxuuna Mohamed Yusuf oo ku eedeysnaa, loona xukumay danbiyo la xiriiro falal argagaxisnimo uu u geeriyootay xanuunka Covid-19oo maalmihii lasoo dhaafay uu la il darnaa.

Wargeyska Expressen ee dalka Sweden ayaa sidoo kale qoray in Mohamed Yuusuf lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu ay maxkamad kutaal Mareykanka ku heshay danbi ahaa inuu usoo dagaalamay ururka Al shabaab. Wuxuuna 37-jirkan soomaaliga xabsigaas ku qaatay labadii sano ee ugu danbeysay. Iyada oo qorshuhu uu ahaa in xabsigaas laga sii daayo sanad iyo bar kadib, marka uu dhameysto kala bar mudo ciqaabeedka xabsiga ee lagu xukumay.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ilaalada xabsigaas sheegeen inay qolka xabsiga ka heleen Mohamed oo miyir beelay(suuxsan), waxaana lagu guuldareystay isku day ay dhakhaatiirta xabsigaas rabeen inay ku badbaadiyaan nafta muwaadinka soomaali Swedishka ah.

Mohamed walaal oo la hadlay TV-ga qaranka dalka Sweden, ayaa sheegay inuu Mohamed la xiriiray 11 maalmood kahor. Ayna xaaladiisu markaas fiicneyd, uuna faraxsanaa. Maalintii xigtay ayuu sheegay inuu lasoo xiriiray hooyadiis, uuna ku wargaliyay:Inuu dhib ku qabo neefta, isaga oo rajeynayo inuu daawo helo.

90% maxaabiista xabsiga uu Mohamed ku geeriyooday ku jiray, ayaa waxaa ku dhacay xanuunka Covid-19. Waxaana hada socoto dacwad maxkamad lala tiigsanayo maamulka xabsiga iyo kan gobolka.

Xigasho/kilde: Terrordømt svenske død av covid-19 i fengsel i USA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments