fredag, april 19, 2024

Sax miyaa in sanadkan la abaabulo xaflada kowda luulyo?

Waxaa isbuucan lagu jiraa maalmaha xoriyada Soomaaliya oo ku aadan 60-sano guuradii kasoo wareegtay markii labadii gobol ee midoobay ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaama daafaha caalamka ka socdo dabaaldegyo loogu jiro xuska maalmahaas qiimaha ku dhex leh bulshada soomaaliyeed.

Waxay NorSom News ogtahay in dalkan Norway, gaar ahaan magaalada Oslo la qorsheynayo in la sameeyo xaflado la isugu imaanayo, kuwaas oo xus loogu sameynayo maalmahaas. Laakiin su´aasha u baahan in la is weydiiyo ayaa ah, sax ma tahay in sanadkan ama xiligan la dhigo dabaaldegyo dadku isugu imaanayaan, iyada oo la ogyahay xaalada caafimaad ee wadanka ka jirto.

Dowlada Norway iyo hey´addaha caafimaadka ayaa ogolaaday in ay isku imaan karaan dad gaaraya 200 qof, hadii ay raacayaan talaabooyinka ay dowladu dajisay ee looga hortagayo xanuunka, sida in la isku jirsado hal talaabo iyo wixii lamid ah. Taas oo jirto, hadana waxaa hadana la baajiyay boqolaal kulan iyo xafladood oo la isugu imaan lahaa, iyada oo laga fakarayo caafimaadka guud ee dadweynaha iyo kahortaga faafitaanka xanuunka.

Horey waxaa loo baajisay dabaaldegyadii lagu xusi jiray 17-ka mai oo ah maalinta xornimada Norway, sidoo kalena waxaa la baajiyay goobihii waaweynaa ee lagu tugan jiray salaadaha ciidaha, iyada oo laga taxadarayo faafitaanka xanuunka.

Gurigaaga ku dabaaldeg oo masuuliyad isa saar:

Anaga oo og muhiimada ay maalmaha xoriyadu u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, hadana waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo xaalada aan ku suganahay iyo xanuunka wali dhexdeena kunool. Waxaan la soconaa in ku dhex faafitaanka xanuunka ee soomaalida dhexdeeda uu aad hoos ugu dhacay, uuna ku dhowyahay eber(0), shantii isbuuc ee ugu danbeeyay. Taas oo ka dhalatay bulshadeena oo wadajir ahaan muujisay dadaal iyo firfircooni xoogan oo faafitaanka xanuunka looga hortagayo.

Soomaalida badalkeeda, waxaa isbuucyadii tagay aad kor ugu kacay tirada dadka kasoo jeedo dalalka Pakistan, Siiriya iyo Turkiga oo xanuunka tirada xanuunka ka qaadeyso ay wali aad u sareyso, marka loo fiiriyo ajaaniibta kale ee wadanka kunool.

Anaga oo labadaas arrimood ka duuleyno, waxaan dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway, aa sanadkan ku boorineynaa inay ka baaqsadaan dabaaldegyada xafladaha iyo isku imaatinka maalmaha xoriyada, taas badalkeedana ay qoysku iyo asxaabta si gaar- gaar ah u dabaaldegaan, inta sharciga heyá ddaha caafimaadku uu ogolyahay. Waxaana ka codsaneynaa dadkeena inay ka fakaraan halista caafimaad ee xafladahaas ka imaan karo.

Sidoo kale, waxaan walaalaha wanaaga jecel ee xafladaha iyo kulanada agaasimayo kula talineynaa inaysan bulshada u horkicin wax dhibaato caafimaad ama mid sumcad daro usoo jiidayo dadka aan ka dhalanay ee soomaalida ah. Waxaa imaan doono maalmo ay noloshu kusoo noqoto sideedii caadiga ah, kuwaas ay markale noo suurto gali doonto inaan xusno maalmaha qiimaha ku leh dalkeena iyo dadkeena.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x