Reysulwasaaraha Denmark oo markii 3-aad arooskeeda shir dartiis u baajisay.

0
153
Mette Frederiksen : Reysulwasaaraha cusub ee Denmark

Reysulwasaaraha dalka Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Mette Frederiksen ayaa markii sadexaad dib u dhigtay arooskeeda, sabab la xiriirta inay Denmark ku matali doonto shir aan horey loo sii qorhsyen oo ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub, loogana hadli doono dhaqaalaha Yurub ee Corona kadib. Haweeneyda Ra;iisul Wasaaraha ka ah waddanka Denmark, Mette Frederiksen ayaa markii saddexaad dib u dhigtay, si ay uga qeyb gasho shir ay yeelanayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Kulankaas, oo ku saabsan mowduucyo la xiriira aruurinta dhaqaale looga soo kabsado saameynta cudurka Covid-19, ayaa dhici doona 17,-ka iyo 18-ka bisha July ee foodda nagu soo heysa. Wuxuun noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub isugu imaadaan tan iyo markii lasoo rogay xayiraadaha lagu xakameynayay faafitaanka fayraska corona.

Ms Frederiksen ayaa la filayay in iyada iyo saaxiibkeed Bo Tengberg uu arooskooda dhaco 18-ka bisha July ee sanadkan. Barta ay ku leedahay Facebook ayey ku sheegtay inay ku khasban tahay «ilaalinta danaha Denmark».

Waa markii sadexaad oo arrimo siyaasadeed awgood oo u baaqdo arooska Mette Fredriksen. Lammaanahan ayaa markii ugu horreysay lagu waday inay is guursadaan xagaagii sanadkii 2019-kii, laakiin waxay u baajiyeen doorashadii guud awgeed ee xiligaas ka dhaceysay dalka Denmark.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments