R.W Norway oo ka hadashay kacdoonka shucuubta madowga ah ee USA.

0
72
Foto: regjeringen.no/skjermdupm

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay rabshadaha ka socdo magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kadib markii ay booliska gobolka Minnesota ceejis ku dileen nin madow ah.

Solberg ayaa wareysi ay siisay wakaalada wararka NTB ku sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaalada dalkaas ka taagan, iyo kala qeybsanaanta muuqata ee ka dhex jirto bulshooyinka ku wada nool dalka Mareykanka.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in hada oo laga soo noqonayo dhibaatada xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, uu caalamku baahi weyn u qabi lahaa Mareykan xoogan oo kor u qaada wadashaqeynta dadyowga caalamka, laakiin ay muuqato in dowlada dalkaas ay u baahnaan doonto inay waqti galiso doono xaaladaha gudaha ka taagan.

Waxeyna raacisay inay muhiim tahay in dadyowga laga tiro badanyahay ay dareemaan inay qeyb ka yihiin shucuubta ay ku dhex noolyihiin, aysana dareemin tagoor gooni ah oo lagu hayo.

Xigasho/kilde: Solberg om USA-situasjonen: – Trist å se

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments