Foto: metropoliice sawirka: Shukri Abdi, 12-jirka soomaaliga ah ee geeriyootay.

Waxaa baraha bulshada iyo internetka ka socda olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo 12 sano jir aheyd laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi.

Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska. Waxaana jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro “cunsurimo”, iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya.

Booliska Manchester ayaa dhacdadaan oo laga joogo muddo ku dhaw sanad ku tilmaamay “mid argagax leh” aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya baaritan hor leh, iyaga oo isticmaalaya hal kudhig ah #justiceforshukri oo ah cadaalad ha loo raadiyo geeridii Shukri.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments