tirsdag, april 23, 2024

Norway: Tirada Dadka jiritaanka ilaahay rumeysan oo 23% hoos u dhacday.

Tirada dadka Norwiijiga ah ee aaminsan jiritaanka ilaahay ayaa 35-tii sano ee lasoo dhaafay, waxaa ku yimid hoos u dhac dhan 23%, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay. sanadkii 1985-tii(35 sano kahor), waxaa jiritaanka ilaahay rumeysnaa 53% dadka Norwiijiga ah, halka baaritaan natiijadiisa maalmo kahor la ogaaday uu sheegayo, in tiradaas ay hada noqotay 30%.

Sidoo kale waxaa isla baaritaankan lagu ogaaday in dadka ugu badan ee aaminsaneyn jiritaanka ilaahay ay yihiin dhalinyarada ay da´doodu ka hooseyso 25 ilaa 39 sano.

Sidoo kale waxaa hoos u dhac uu ku yimid tirada dadka Norwiijiga ah ee isku arka inay yihiin masiixiyihiin.

Saas oo ay tahay, hadana dadka Norwiijiga ah ayaa wali heysta ama ku dhaqma caadooyinka iyo dhaqamada soo jireenka ee laga dhaxlay masiixiyada.

Xigasho/kilde: Stadig færre tror på Gud

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x