tirsdag, april 23, 2024

Mid kamid ah haldoorkii soomaalida Norway oo isbuucan Oslo ku geeriyooday.

Sida ay noo xaqiijiyeen saaxiibadiisa ugu dhawaa, waxaa Alla ha u naxariistee labo maalmood kahor magaalada Oslo ku geeriyooday Mohamed Osman Ahmed oo ku magac dheeraa «Abdi kuriya», kana mid ahaa haldoorka iyo aqoonyahanka bulshada soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan magaalada Oslo.

Abdi Kuriya oo ahaa shaqsi aad looga yaqaan, saameyn iyo sumcadna ku dhex lahaa dadka indheer-garadka ah ee magaalada Oslo degan, ayaa markii hore kasoo guuray dalka Sweden oo uu wax ku bartay, inta uusan noqon xubin firfircoon oo katirsan bulshada soomaaliyeed ee Oslo. Waxeyna saaxiibadii noo xaqiijiyeen inuu u shaqeyn jiray maamulka degmada Oslo, xafiiska qaabilsan xisaabaadka.

Mohamed Osman Ahmed ayaa horey mar noqday gudoomiyaha ururka Somalisk Velferdsforening – SWO(J.SL) oo kamid ah ururada da´ahaan ugu faca weyn ururada soomaalida Norway. Waxaana boga ururka lasoo galiyay tacsida marxuumka oo habeenkii khamiista ku geeriyooday Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x