fredag, april 19, 2024

Merkel oo diiday casuumaad Trump uga timid.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale baajiyay kulanka sanadlaha ah ee madaxda wadamada la isku G-7 oo ah 7-da wadanka ee aduunka ugu dhaqaalaha xoogan. Wuxuuna go´aanka baajinta kulankan ay isugu imaan lahaayeen madaxda 7-daas wadan uu yimid, kadib markii ay hogaamiyaha dalka Germany ay diiday casuumaad uga timid madaxweynaha mareykanka.

Angela Merkel ayaa si maamuusan u diiday casuumaada uga timid Trump, iyada oo ku sababeysay xaalada xanuunka Corona-virus oo xanibay isku socodka diyaaradaha aduunka.

Reysulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sidoo kale diiday inuu aqbalo casuumaada Madaxweyne Trump, isaga oo ku sababeeyay xaalada caafimaad ee dalkiisa ka jirto.

Trump ayaa hada ku qasbanaan doono inuu mar kale dib u dhigo kulankan, isaga oo qorsheeyay inuu kulankaas dhici doonto bisha September ee sanadkan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x