Foto: EU-VIEWS

Sida ay qortay wakaalada wararka NTB oo soo xiganeyso Tirokoob ay soo saartay hey´adda UDI, waxaa bishii na dhaaftay ee Mai, Norway iska soo dhiibay oo magangalyo soo codsaday ilaa 36 qof. Tiradaas oo le´eg tirada bishii hore ee April.

Isku dar waxaa Norway shantii bilood ee ugu horeeyay sanadkan magangalyo soo weydiistay 573 qof, tiradaas oo 200 qof kayar tirada sanadkii hore.

Sadex meelood meel dadka Norway iska soo dhiibo, ayaa ka imaada wadanka Siiriya, waxaana soo weheliya Turkiga iyo Ereteriya.

Xigasho/kilde: 36 personer søkte asyl i mai 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments