Gabar soomaali ah oo lagu eedeeyay inay 1,6 milyan ka khiyaantay NAV.

0
209

Yaasmiin Kristensen waa hooyada afar caruur ah oo Norway degeneyd mudo 20 sano gaareyso. Waxaana labo sano kahor sharciga dhalashada Norway ka celiyay hey´adda soo galootiga oo Yaasmiin ku eedeysay inay ka been-sheegtay aqoonsigeeda shaqsiyeed, markii ay Norway iska dhiibeysay.

Yaasmiin oo markii danbe qiratay inay asal ahaan dalka Jabuuti kasoo jeedo, ayaa markii ay Norway imaaneysay sheegatay inay Soomaaliya kasoo jeedo dal ahaan, arintaas oo markii la ogaaday kadib sababtay in Yaasmiin ay hey´adda ajaaniibtu ka celiso sharciyeedii dhalashada Norway, waxaana lagu amray inay mudo 2 sano ah dalka isaga baxdo, balse Yaasmiin ayaa go´aankaas ka qaadatay racfaan: Halkan kasii akhri

Racfaanka Kiiska Yaasmiin iyo dowlada Norway ee ku saabsan kala noqoshada sharciga dhalashada Norway, ayaa hada yaalo maxkamada xuquuqul insaanka Yurub oo qiimeyneyso in go´aanka dowlada Norway uu ahaa mid kahor imaanayo xeerka xuquuqul insaanka Yurub iyo inkale.

NAV: Soo celi 1,6 milyan.

 Sida uu qoray NRK, hey´adda NAV ayaa hada hooyadan soomaalida ah ee horey sharciga loogala noqday kusoo oogtay dacwad la xiriirta khiyaano dhaqaale oo ku saabsan taageerooyinkii dhaqaale oo ay hey´addaas ka qaadan jirtay sanadihii ay Norway ku nooleyd.

NAV ayaa ku dacwooneyso in Yaasmiin iyada oo og aqoonsi aan keeda shaqsiga aheyn ay mudo 11 sano ah NAV ka qaadaneysay taageero dhaqaale oo kala duwan, oo ay kamid tahay lacagta caruurta ee loo yaqaan Barnetrygd.

NAV ayaa horey hooyadan soomaalida ah ka codsaday inay soo celiso lacag dhan 300.000 kr, balse hadana waxey ka daba keeneen dacwad cusub, iyada oo isku dar lacagta ay NAV sheegtay in si aan sharci aheyn ay hooyadan ku heshay ay gaareyso 1,6 milyan.

Maxkamada u dhaxeyso NAV iyo hooyadan soomaalida ah ayaa sida ay qareenkoodu NRK u sheegtay bilaaban doonto 22 september ee sanadkan 2020.

Xigasho/kilde: Først ble firebarnsmor Yasmin utvist – nå er hun tiltalt for Nav-svindel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments