lørdag, april 20, 2024

Gabadhii aabaheed ay boolisku dileen oo 16 milyan loo qaaraamay.

Gianna Floyd oo ah gabar lix sano jir ah oo uu dhalay George Floyd oo ah ninkii ay isbuucii hore booliska magaalada Minnepolis ay ku dileen jilib-ceejinta, ayaa taageero dhaqaale oo aysan fileyn ka heshay bulshoweynta caalamka.

Kadib markii internetka laga furay sanduuq lacag loogu uruuriyo Giana, waxaa labo maalmood gudahood lagu uruuriyay lacag ilaa hada mareyso 1,559,960 oo dollar, una dhiginta qiyaastii 16 milyan oo kr.

Lacagtan ayaa la sheegay in loo uruurinayo Giana oo 6 sano jir ah, si loogu dabaro nolol maalmeedkeeda, iskuulkeeda iyo wixii kale oo ay u baahato inta ay ka qaangaareyso, maadaama si arxan daro ah loo dilay aabaheed oo ahaa qofkii masuuliyad ahaan biilkeeda bixin jiray. Waxaana la sheegay in Giana ay hada la nooshahay hooyadeed Roxie Washington.

Hooyada dhashay Giana ayaa sheegtay in ilaa hada aysan garan karin qaabka ay gabadheeda ugu sheegi laheyd geerida aabaheed. Halka Giana ay sheegtay inay jeclaan laheyd in marka ay weynaato ay aabaheed u sheegto waxa ay noqon laheyd mustaqbalka oo ah dhakhtar dadka caawiyo.

Xigasho/kilde: Over 13 millioner kroner samlet inn til George Floyds datter Gianna (6)

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x