Gabadha boqorka Norway: xiriirka Durek ayaa wax badan iga baray cunsuriyada.

0
75
Foto: Skjermdump TV2

Qoraal ay soo dhigtay bogeeda Instgramka, ayay gabadha boqorka Norway, Märtha Louise ku sheegtay sida xiriirka ay la yeelatay saaxiibkeeda cusub ee madowga ah, Durek Verett uu wax badan uga baray cunsuriyada iyo sida ay dadka cadaanka ah ay u caburiyaan shucuubta madowga ah.

Xiriirka ay gabadha boqorka Norway la sameysay Durek ayaa aad looga hadalhayay warbaahinta Norway, iyada oo siyaabo kala duwan ay warbaahintu uga hadashay, una falanqeysay.

Märtha Louise ayaa qoraalkeeda dheer ee Instgramka ku sheegtay, sida xiriirka ay Durekk la yeelatay uu u siiyay fahan guud oo ku saabsan qaabka iyada oo og iyada, iyo iyada oo aan ogeynba, ay ula dhaqmi jirtay dadka madowga ah.

Gabadha boqorka Norway ayaa sheegtay in xuquuqdeeda ay u qaadatay lagama hadlaan, aysana waligeed waqti galin inay fahanto waxa ay cunsuriyadu tahay, sababtoo ah waxey ku qanacsaneyd qaabka ay nolosheedu aheyd.

Waxeyna ka codsatay dadweynaha inay arintaas ka digtoonaadaan, aysana jiritaanka cunsuriyada dhab u qaateen, kana fogaadaan.

Xigaho/kilde: Prinsesse Märtha Louise med åpenhjertig rasisme-oppgjør

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments