Sida ay sheegtay laanta caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI, sanadkii lasoo dhaafay 294 qof dumar ah oo uur lahaa, ayaa xiliga foosha ka gaari waayay isbitaalka, iyaga oo ku umulay intii ay jidka kusii jireen ama aysan guriga kasoo bixin.

Dhalmada noocan ku dhacdo ayaa Norway looga yaqaan, foosha aan la qorsheynin. Waxaana sanadkii tagay intii jidka lagu sii jiray dhexda ku dhashay 147 caruur ah, halka 121 ilmoodna ay ku dhasheen guriga kahor inta aan hooyooyinka la geynin qeybta umusha ee isbitaalka. Sidoo kale 26 qof ayaa ku dhashay meelo kale oo isbitaalka ka baxsan.

Gobolada Nordland Nordland, Troms iyo Finmark ayaa ugu badan ee dhalmada noocan ay ka dhacdo.

Xigasho/kilde: NESTEN 300 FØDENDE KVINNER RAKK IKKE FRAM TIL SYKEHUSET I FJOR

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments