tirsdag, april 16, 2024

Erna Solberg: Dhibaatadii Korona-virus, waxaa nooga daran oo badashay dhibaatadan kale.

Tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Corona-virus ama isbitaalada u taal, ayaa si aad ah hoos ugu dhacday labadii bilood ee ugu danbeysay, waxaana Norway ilaa hada lagu tirinayaa wadamada ku guuleystay xakameynta faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa shaley sheegtay in dhibaatada caafimaad ee xanuunka Corona-virus ilaa hada la xakameeyay, balse ay badashay dhibaato kale oo aad u xoogan, waqtina ay qaadaneyso in xal loo helo. Dhibaatada shaqo la´aanta ka dhalatay xanibaada xanuunka Corona-virus, 350.000 qof ayay NAV diiwaangalisay inay shaqo la ´aan yihiin.

Solberg ayaa sheegtay in dakhliga ugu badan ee dowlada uu kasoo galo canshuurta laga qaado dadka shaqeeyo, hadana aysan wali shaqada kusoo noqon dad aad u badan oo shaqeynayay Corona-virus kahor. Dhibaatada ugu weyn ee hada taagan ay tahay, sidii dadkaas shaqooyinkoodii ay ugu soo noqon lahaayeen, iyada oo wali la xakameynayo xanuunka Corona-virus.

Dowlada ayaa taageero dhaqaale u fidisay ilaa 30.000 shirkadood, si ay ugu soo noqdaan suuqa shaqada oo aysan u kicin, balse waxaa wali muuqato in shirkadaha ka shaqeeyo suuqa diyaaradaha, Hotellada iyo waxyaabaha safarka la xiriira ay wali dhulka yaalaan.

Erna Solberg ayaa qirtay inay xaqiiqo tahay in shirkado badan oo shaqeynayay Corona-virus kahor, aysan kusoo noqon doonin suuqa shaqada, ayna muhiim tahay in xal loo helo shaqo la aanta halkaas kasoo bixi karto.

Xigasho/kilde: Erna Solberg: – Vi vil gå fra koronakrise til jobbkrise.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x