torsdag, mars 28, 2024

Dowlada oo rabta in qofkii halis ah Norway, maxkamad la´aan laga qaado baasaboorka.

Hindise sharciyeed maanta kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Norway, ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay dowladu rabto in maxkamad la´aan baasaboorka ama dhalashada Norway laga qaado qofkii ay loo arko inuu halis ku yahay amniga guud ee qaranka Norway.

Sharciga Norway ayaa dhigayo in qofkii laga celinayo baasaboorka Norway sababo la xiriiro danbi, in marka hore la geeyo maxkamad, kadibna maxkamadu ay xukunto, markaas kadibna laga qaadi karo dhalashada hadii la arko xujooyin loo qaateen ah oo arintaas sababi karta.

Dowlada ayaa hada soo jeedisay in la fududeeyo howshaas, dowladana awood loo siiyo in qofka loo arko inuu halis ku yahay amniga Norway ama laga cabsi qabo inuu geysto falal argagaxiso oo danaha Norway kasoo horjeedo, ay dowladu ka celin karto baasaboorka Norway, maxkamad la´aan. Waxaana hindise sharciyeedka kasoo baxay shirka golaha wasiiradda lagu sheegay in ujeedka arintan ka danbeyso ay tahay in looga hortagayo falal danbiyeed argagaxiso oo dhici kara.

Dowlada ayaa dhanka kale in qofkii laga qaado baasaboorka, uu kiiskiisa geyn karo maxkamada, dowladana ay bixin doonto qarashka qareenka.

Qorshahan ayaa waxaa horey usoo jeediyay xisbigii dowlada ka baxay ee Frp, wuxuuna ahaa qorshihii ay sababtay oo xilka ku weyday wasiiraddii hore ee cadaalada Norway, Sylvi Listhaug.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil gjøre det mulig å ta statsborgerskapet til personer som truer landet, uten først å gå via domstol.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x