torsdag, april 25, 2024

Norway:Booliska oo diiday mudaaharaadyo loo qaban lahaa ninkii madoobaa ee MN lagu dilay.

Ilaa 15.000 oo qof ayaa dhowr magaalo oo Norway ah, soo diiwaangaliyay inay rabaan inay ka qeybqaataan mudaaharaadyo cadaalad loogu dalbayo George Floyd oo ahaa ninkii madowga ahaa ee booliska minnesota ay sida guracan u dileen.

Waxeyna dadka rabay inay banaanbaxaan isku balansadeen banaanka hore ee safaarada Mareykanka ee dalkan Norway.

Talisyada booliska magaalooyinka Oslo, Bergen iyo Trondheim ee dalkan Norway ayaa fariimo ay u direen dadka qabanqaabinayo banaanbaxyadaas ku wargaliyay in xanuunka covid-19 awgiis, hal meel aysan isugu imaan karin wax ka badan 50 qof. Waxeyna boolisku diideen inay ogolaansho siiyaan qabanqaabada banaanbaxyadaas.

Sidoo kale maamulada magaalooyinka Bergen iyo Trondheim ayaa sheegay in hadii ay meel isugu imaadaan wax ka badan 50 qof, ay ka dhigantahay in la jabiyay sharciga kahortagista faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Xigasho/kilde: Myndighetene nekter støttedemonstrasjoner for George Floyd i Oslo, Bergen og Trondheim

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x