Booliska iyo maamulka Oslo oo ka digaya xafladaha: Dadku waxey iloobeen in wali waqtigii Corona lagu jiro.

0
161

Kadib markii dowlada Norway ay khafiifisay shuruucdii adkaa ee looga talagalay xakameynta faafitaanka xanuuna Corona, dibna loo furay goobaha dadweynaha, waxaa aad usoo badanayo xafladaha lagu qabto goobaha lagu tunto(Clubb-yada), iyada oo muuqaalo ay warbaahinta kasoo diyaariyeen goobaha qaarkood ay muujinayaan masuuliyad daro weyn oo muuqato.

Booliska magaalooyinka waaweyn ee Norway, gaar ahaan Oslo ayaa labadii habeen ee ugu danbeeyay aad uga cabanaya kumanaan dhalinyaro ah oo isugu imaado goobaha lagu caweeyo, iyaga oo aan ilaalineynin shuruucda xakameynta xanuunka, gaar ahaan kala fogaanshaha. Booliska ayaa sheegay in dadku ay u dhaqmayaan sidii inay ilaaween in wali lagu jiro xiligii coronaha, uuna xanuunku yahay mid wali wadanka ku jiro.

Tirokoobyadii ugu danbeysay oo ay sameysay hey´adda FHI ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xiligan dadka ugu badan ee uu xanuunka laga helay ay yihiin dhalinyarada da´doodu ay u dhaxeyso 18 ilaa 25 sano.

Sidoo kale maamulada magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Oslo iyo Trondheim ayaa ku hanjabay inay mar kale xiri doonaan goobaha lagu tunto, hadii aysan ilaalin shuruucda iyo xeerarka loo dajiyay xakameynta xanuunka.

Xigasho/kilde: Truer med skjenkestopp etter festhelg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments