tirsdag, april 16, 2024

Bergen: Soomaali lagu qabtay daroogo herion ah.

Sida uu qoray wargeyska magaalada Bergen kasoo baxa ee BA, booliska magaaladaas ayaa bartammaha isbuucii na dhaafay hotell magaalada Bergen kuyaal ku qabtay nin soomaali ah iyo daroogo gaareyso 80 gram.

Ninkan oo ay boolisku sheegeen inuu ahaa qof ay horey u yaqaaneen ayay sheegeen inuu kasoo jeedo magaalada Oslo, uuna yahay qof horey usoo maray ciqaab xabsiyeed oo katirsan koox-danbiyeed abaabulan. Waxaana ninkan soomaaliga ah oo da´diisu ay booliska ku sheegeen 20-meeyo jir la geeyay xabsiga, halkaas oo si hordhac ah loogu xiray mudo 4 isbuuc ah oo xabsi ah, inta kiiskiisa ay boolisku baarayaan. Wuxuuna hadii danbiga lagu eedeeyay lagu helo mudan karaa ciqaab ugu badnaan gaareyso 3 sano oo xabsi ah.

Daroogada ninkan lagu qabtay oo gaareyso 80 gram ayaa lagu qiimeeyay 150.000 kr oo ah qiimaha suuqa wadada(Gateverdi).

Booliska magaalada Bergen ayaa aaminsan in intii lagu gudo jiray xanibaada corona-virus, uu isbadal xoogan ku yimid suuqa daroogada Norway, maadaama la xiray xuduudaha Norway, ayna suuqa daroogada lagula iibsado ka dhacday daroogo la´aan. Taas oo keeneyso in magaalada Oslo oo aheyd xadunta suuqa daroogada Norway, laga soo ceyrsado daroogo-iibiyaasha aan awooda badan laheyn. Waxeyna dantu ku qasbeysaa inay raadsadaan magaalooyin kale oo ay daroogada ku iibiyaan, sida Bergen oo kale.

Xigasho/kilde:Kamp om narkotikamarkedet og gjeng-rivalisering i Oslo kan ha gjort Bergen til et attraktivt marked.


Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x