fredag, april 19, 2024

Akhri natiijada xukunka: Qaabkan ayay maxkamadu u qiimeysay khilaafka Tawfiiq.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa maanta soo saartay xukunka kiiska dacwada maamulka masaajidka Tawfiiq, kaas oo ay maxkamadu dhageysatay arbacadii lasoo dhaafay(Hoos ka akhri go´aanka garsooraha). Sida aan ku sheegnay qoraalkii hore ee aan maanta ka qornay, garsooraha xukunka qaaday ayaan labada dhinac ee is heysta midna u xukumin kiiska dacwada, balse wuxuu mid walba ka ogolaaday qeybo kamid ah qodobadii ay soo bandhigeen, halka kuwo kalena laga diiday. Halkan kasii akhri

Waxaan la xiriirnay qareenka masaajidka Tawfiiq ku matalayay kiiska, si aan wax uga weydiino natiijada maxkamada iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan gudiga ay mataleysay ee masaajidka ku qoran. Balse qareenka ayaa diiday inay wax war ah ka bixiso natiijada xukunka maxkamada, iyada oo sheegtay inay marka hore lasoo tashan doonto macaamiisha ay mataleyso, waxeyna naga codsatay inaan u dirno su´aalo qoraal ah, walina jawaab kama aanan helin.

Waxaana sidoo kale wali jawaab ka sugeynaa mid kamid ah labada qareen ee matalayay gudiga kasoo horjeedo gudiga Tawfiiq oo maxkamadu ay u ogolaatay qodobo kamid ah kuwii ay codsadeen.

Isku soo duub, xukunka maxkamada ayaa ka dhigan in labada gudi ee masaajidka isaga soo horjeedo maamulkiisa aan midna loo xukumin inay yihiin gudi sax ah, maadaama ay ay jiraan qaladaad ay labada dhinacba galeen. Balse maxkamada ayaa ogolaatay in masaajidka ay ku diiwaangashanaadaan gudiga hada ku qorin ilaa hada laga helayo xal kale ama xukun maxkamadeed oo kale.

Waxeyna maxkamadu labada dhinacba ku xukuntay inay bixiyaan qarashaadka maxkamada uga baxay.

Dadweynaha magaalada Oslo oo ku kala qeybsanaa kiiska maxkamada, aadna una wada sugayay xukunka kiiska masaajidka, ayaa maanta aad u hadalhayay natiijada maxkamada. waxaana muuqatay in kiiska masaajidku uu dhaawac xoogan u geystay isku xirnaanshaha, is aaminaada iyo wax wada qabsiga bulshada soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan Oslo. Waxaana muuqato in dadku ay aad niyad xumi uga muujinayeen kiiska masaajidka ee maxkamada yaalay. Muuqaal ra´yi uruurin ah oo aan kasoo duubnay dadweynaha Oslo, ayaan dhawaan soo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x