fredag, april 19, 2024

Aabahay oo dhiig qufacaya ayay kula taliyeen guriga joog, ilaa xaaladiisa ay halis noqotay, inta uusan geeriyoon.

Waxaa bishii lasoo dhaafay magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ku geeriyooday Allah ha u naxariistee i sh cabdiraxmaan sh muxudiin celi oo kamid ahaa culimada soomaaliyeed ee caanka ahaa, kana tirsanaa culimyada waaweyn ee dariiqada qaadiyarada. Wuxuuna sheekhu sababsaday xanuunka Covid-19 oo faro ba´an ku hayo bulshada Sweden.

Qoyska uu ka geeriyooday Sh Celi ayaa laamaha caafimaadka ee dowlada Sweden ku eedeeyay inaysan caawin caafimaad u fidin sheekha oo mudo labo isbuuc ah gurigiisa ku xanuunsanaa, kahor inta aan isbitaalka la geynin. Waxeyna qoyska sheegeen in sheekha oo caawinaad caafimaad oo deg-deg ah u baahnaa la dayacay.

Xaaska uu ka geeriyooday marxuumka iyo waliba gabar uu dhalay oo la hadlay TV-ga qaranka Sweden ayaa sheegay in mudo 14 maalmood ah, ay iska daba wacayeen telefoonka gargaarka deg-dega ah iyo laamaha caafimaadka ee qaabilsanaa xanuunka covid-19, iyaga oo ka dalbanayay in sheekha loo imaado oo isbitaalka la geeyo si xaaladiisa wax looga qabto. Waxeyna qoysku sheegeen in mar walba oo ay la xiriiraan laamaha caafimaadka lagula talinayay inuu gurigiisa joogo, uuna qaato daawada qufaca iyo tan xanuun jabinta, uuna sugo mudo labo isbuuc ah.

Xaaska Sheekh Celi ayaa sheegtay inay ku wargalisay hey´addaha caafimaadka in xaaladiisa ay kasii dareyso, uuna u baahanyahay caawin deg-deg ah, balse aan la maqlin warkeeda, oo loo qaatay inay ka badbadinayaan iyaga oo markaas arkayay xaalada wadaadka oo sii xumaaneyso. Wadaadka ayaa da´ahaan jiray 49 sano.

Gabar uu dhalay sheikh Cabdiraxmaan Sh Muxyidiin Celi ayaa fariin ay u dirtay hey´addaha caafimaadka ku sheegtay in aabaheed uu noqdo qofkii ugu danbeeyay oo dayac caafimaad u geeriyoodoo.

Xigasho/kilde: ”Min pappa hostade blod – fick rådet att stanna hemma”

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x