torsdag, mars 28, 2024

Waxaa la afduubtay iyada oo Silvia Romano ah: waxey soo noqotay iyada oo Caasha muslim ah

Gabar dhalinyaro ah oo Talyaaniga u dhalatay oo howlaha gargaarka ka shaqeyn jirtay, oo bishii Novembar ee sanadkii 2018 lagu afduubtay gudaha waddanka Kenya, ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkeeda hooyo.

Silvia Romano, oo ah 25-jir, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay oo sugayay imaatinkeeda ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Silvia Romano oo sanad iyo bar aan warkeeda la helin, ayaa sheegtay inay qaadatay diinta islaamka, magaceeduna uu hada yahay Caaisha. Iyada oo sii raacisay inaysan jirin cid ku qasabtay qaadashada diinta islaamka, balse ay tahay go´aan ay iyadu iskeed u dooratay.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.

Ma ay jirto cid sheegatay mas’uuliyadda afduubka gabadhaasi lagu kaxaystay 18 bilkood ka hor.

Bishii Janaayo 2019, ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerrar lagu qaaday hoteel iyo xafiisyo ku yaal caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof.

Ms Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxa ay sanadkii 2018 ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.

Waxaa la rumaysnaa in markii dambe loo kaxeystay gudaha Soomaaliya.

Aabaha dhalay Silvia, Enzo Romano ayaa sheegay inuu «farxad weyn dareemayo». Maadaama ay nolo ugu soo noqotay gabadhiisii.

Soo deynta Silvia Waxaa loo garaacay gambaleelka kaniisadda weyn oo magaalada Milano, dadkuna waxa ay ka mashxaradaynayeen barsooyinka magaalada Milano ee ay ka soo jeedo Ms Romano, iyada oo guud ahaan dadku magaalada ay u dabaaldageen soo sii deynta gabadhoodii horey looga afduubtay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x