Wasiirka caafimaadka: Xuduudo xiran, kuma sii noolaan karno.

0
88
Bent Høie: Wasiirka caafimaadka Norway Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie, oo shaley shir jaraa´id qabtay ayaa sheegay in Norway aysan kusii noolaan karin xaalada hada lagu jiro ee xuduudaha dalka oo dhan ay xiranyihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in 80% waxyaabaha Norway laga dhoofiyo loo iibgeeyo wadamada kale ee EU-da. Norwayna ay ku xirantahay alaabaha looga soo dhoofiyo wadamada kale ee Yurub iyo caalamka, sidoo kale suuqa shaqada Norway uu ku tiirsanyahay awooda shaqo ee shaqaalaha kasoo jeedo dalalka kale ee Yurub.

Wasiirka oo marar kala duwan la weydiiyay xiliga ay dowlada Norway qorsheysay in dib loo furo xuduudaha wadanka, ayaa sheegay inay adagtahay in la sheego xiliga rasmiga ah ee dib loo furi karo xuduudaha dalka.

Balse wuxuu carabka ku adkeeyay in furitaanka xuduudaha aysan aheyn wax ku xiran Norway oo kali ah, balse loo baahanyahay wada-shaqeyn caalami ah oo ku saabsan isku furitaanka isu-socodka xuduudaha dalalka Caalamka.

Bent Høie ayaa sheegay in xitaa hadii ay Norway ku guuleysato xakameynta isqaadsiinta xanuunka, ay wali jiri karaan dalal kale oo caalamka ah oo xanuunku uu ku xooganyahay. Sidaas darteed arinta furitaanka xuduudaha aysan aheyn, wax Norway oo kali ay go´aankeeda leedahay.

Dowlada Norway ayaa 7 isbuuc kahor go´aamisay in la xiro xuduudahada dalkeeda ilaa amar danbe, sidoo kale dadka Norway uga yimaada wadamada dibadda ah ayaa la saaraa 14 maalmood oo karantiil ah.

Xigasho/kilde: Stengte grenser og nye råd til kollektivreisende

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments