torsdag, april 25, 2024

Trump: Waxaan qaataa daawada Malaariyada, si aan uga hortago Corona-virus.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isticmaalo daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka, oo loogu talagalay Malaariyada, in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayuu Trump sheegay in uu bilaabay dhawaan isticmaalka daawada Malaariyada iyo daawo kale oo xoojisa difaaca jirka qofka.

«Waxaan qaadanayay muddo hal toddobaad iyo bar ah, waadna aragtaan inaan wali idinla joogo,» ayuu yiri Trump.

Ma jiraan caddeymo muujinaya in daawadan lagu magacaabo hydroxychloroquine-ka ay la dagaalami karto fayraska karona, in kasta oo tijaabo caafimaad wali lagu wado.

Mar la waydiiyay isniintii madaxweyne Trump,faaiidada daawadan ayuu ku jawaabay: » waan tan caddeynteeda oo ah waxaan ka helay wax tar badan.»

Madaxweynaha oo si is daba joog ah uga hadlayay daawadan maalmihii la soo dhaafay, ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha caafimaadku ay isticmaalaan daawadan.

«Waxaad la yaabi doontaa sida ay dad badani u qaadanayaan, gaar ahaan shaqaalaha safka hore, shaqaalaha safka hore, qaar badan, way qaatan,» ayuu yri madaxweyne Trump.

Xaruunta xakameynta cudurada ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in aaney jirin daawo la ogolaaday oo loo isticmaali karo fayrska karona ama dawo looga looga hortago cudurka Covid-19.

Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa bishii lasoo dhaafay soo saaray talo ah in dawada hydroxychloroquine -ka»aan loo arkin inay tahay la hubo waxtarka ay u lahaan karto qofka».

Waxayna soo xigteen warbixinno sheegaya in daawadu ay ku sababi karto dadka qaba cudurka karona dhibaatooyin caafimaad oo dhanka wadnaha ah iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee jirka qofka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dhakhtarkiisa caafimaad ee gaarka uusan daawadan u qorin ama kula talin inuu qaato, balse isagu uu dhakhtarka ka dalbaday in daawadaas la siiyo, maadaama uu aaminsanyahay inay tahay mid waxtar leh.

Xigasho/kilde: Donald Trump: – Jeg bruker hydroksyklorokin

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x