Tirokoob: 97.5% hoos u dhac ku yimid soomaalida Norway laga helay xanuunka Covid-19.

0
105

Tirokoobkii ugu danbeeyay ee Talaadadii kasoo baxay hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI, ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay hoos u dhac ku timid tirada dadka maalinlaha u qaadi jiray xanuunka covid-19.

Sidoo kale waxaa yaraatay tirada dadka uu xanuunku soo ritay ee isbitaalada jiifa iyo waliba tirada dadka isbuucii u geeriyoon jiray xanuunka. Xiligan hada la joogo waxaa isbitaalada Norway jiifa 57 qof oo xanuunka Covid-19 uu soo ritay, waxaana ilaa hada geeriyooday 228 qof.

Waxaana sidoo kale aad hoos ugu dhacday awooda faafitaanka xanuunka ee bulshada dhexdeeda, inkasta oo aan wali la garin karin qaabka ay xaaladu sii ahaan karto, maadaama hada dib loo furay iskuulada iyo qeybo badan oo kamid ah noloshada dadweynaha Norway.

Isbuucii 19.aad: Sadex oo soomaali ah (Hoos u dhac 97.5%).

Soomaalida oo isbuucyadii koowaad ee faafitaanka xanuunku uu ku cusbaa Norway, kaalinta koowaad kaga jirtay ajaaniibta uu xanuunkan ku dhacay, ayaa isbuucii tagay aan xitaa kamid noqon shanta qowmiyadood ee ugu sareysa ee ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay.

Sida ku cad tirakoobka FHI, qeybta ka hadleyso dadka ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay, isbuucii 14-aad waxaa xanuunka Covid-19 laga helay 123 qof oo soomaali ah. Shan isbuuc kadib, isbuucii 19-aad, waxaa xanuunka laga helay 3 qof oo kali ah oo soomaali ah.

Taas oo muujineyso in tirada soomaalida isbuucii laga heli jiray xanuunka Covid-19 ay hoos u dhacday 97.5%(sagaashan iyo todobo boqolkiiba). FHI ayaa warbixinteeda ku xustay in tirada soomaalida laga helay xanuunka Covid-19 ay si xowli ah isbuuc walba aad hoos ugu dhaceysay.

Balse marka laga lsku daro guud ahaan tirada ajaaniibta ah ee xanuunka laga helay, tan iyo bilowgii xaalada Coronavirus, soomaalida ayaa wali kujirto booska koowaad ee ajaaniibta Norway. Waxaana taas sabab u ah labadii isbuuc ee ugu horeysay oo faafitaanka xanuunku uu ku dhex xooganaa bulshada soomaalida, gaar ahaan Oslo.

Kilde: Halkan ka akhri warbixinta FHI oo dhameystiran.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments