fredag, april 26, 2024

Talyaaniga oo 600.000 qoxooti siinayo sharci, mahadcelin gurmadka Coronavirus awgeed.

Sida uu qoray wargeyska The Times, dowlada Talyaaniga ayaa sharciyo magangalyo kumeel gaar ah siin doonto boqolaal qoxooti iyo soo galooti ah oo dalkaas aan sharci ku laheyn, balse ka qeybqaatay gurmadka dhibaatada uu Corona-virus ka geystay dalka Talyaaniga.

Ilaa 600.000 qof oo dalka Talyaaniga aan sharciyo ku heysan, ayaa ka qeybqaatay gurmadka dhibaatada Corona-virus. Waxaana loo qiray dadaalka ay ku bixiyeen inay kamid noqdaan howlaha gargaarka iyo socodsiinta nolosha dadweynaha ee dalka Talyaaniga, iyaga oo aan dalkaas ku heysan sharciyo u sahli kara inay si caadi ah dalka Talyaaniga ugu noolaadaan ama uga shaqeystaan.

Si gaar ah waxaa dadka soo galootiga ah ee aan sharciga ku heysan dadka Talyaaniga loogu amaanay ka shaqeynta beeraha iyo xanaaneynta dadka waayeelka ah, inta ay socotay dhibaatada iyo saameynta wali aan dhamaan ee xanuunka Covid-19.

Waxaa soo jeedinta arinta laheyd wasiiradda beeraha dalka Teresa Bellanova oo sheegtay in sharciga la siinayo dadka qoxootiga ah uu noqon doonto mid kumeel gaar ah oo lix bilood shaqeyn doono. Balse ay suurtogal tahay in mar kale dib loo cusbooneysiiyo.

Wasiirka gobolkada Koonfurta dalka Talyaaniga, Giuseppe Provenzanom ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah cuntada laga cuno dalka Talyaaniga laga soo gooyo beero ay ka shaqeeyaan dad soo galooti ah oo aan sharciyo dalka Talyaaniga ku heysan. Waxeyna raacisay in la joogo xiligii dadkaas la siin lahaa sharciyo u sahlayo inay helaan xuquuq shaqaalinimo.

Soo galooti badan oo sharci ka waayo wadamada Yurub, ayaa ugu danbeyn gacanta u gala maafiyada ka howlgasha Koonfurta dalka Talyaaniga, kuwaas oo ku qasbo inay ka shaqeeyaan beeraha waaweyn ee dalka Talyaaniga. Waxeyna ku shaqeeyaan mushaar aad u yar, mana helaan xuquuq shaqaalinimo oo caadi ah.

Boobka kaniisada kaatooliga, Pope Francis, ayaa kamid ah dadka aadka usoo dhaweeyay arintan, isaga oo horey dhowr mar u eedeeyay, waxa uu ugu yeeray ka faa´iideysiga xooga ah ee dadka nugul.

Gudaha Talyaaniga, waxaa ilaa hada xanuunkan u geeriyooday 30.560 qof, waxaana xanuunka laga helay 219.000 qof oo kale.

 Xigasho/kilde: Italy to give 600,000 migrants the right to stay

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x