torsdag, april 25, 2024

Sweden oo kordhiyay xayiraada saaran xuduudaheeda.

Dawladda dalka Sweden ayaa wakhti ku dartay muddadii la mamnuucay in dalkaas safar lagu yimaado, waxaana hada ay xuduudaha Sweden sii xirnaan doonaan ilaa laga gaaro 15-ka bisha juun, sida uu shir jaraa’id shaley ku sheegay reysulwasaaraha Sweden, Stefan Löfven.

Xayiraadda cusub ee safarrada lagu tago Sweden ayaa timid kadib talo bixin ay keeneen Guddiga Talo bixinta Yurub iyo gudiga la dagaalanka cudurrada faafa, iyada ujeedada lagu sheegay inay tahay sidii loo dhimi lahaa faafidda fayruska corona.

Dalka Sweden ayaa ah dalka uu dhimashada ugu badan ka geystay xanuunka Corona dalalka Nordica, waxaa ilaa hada dalkaas xanuunka Covid-19 u geeriyooday 3 529 qof.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x