Foto: Wikipedia

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden, hooyo u dhalatay dalka Sweden ayaa ku eedeysan dilka gabadheeda oo sadex sano jir aheyd, kaas oo dhacay bishii January ee sanadkan.

Xeer ilaalinta dowlada ayaa sheegtay in dilka gabadha loo adeegsaday alwaax lagu garaacay oo dhaawac ka gaarsiiyay qeybo kamid ah madaxa, dhabarka, gacanta midig iyo labada lugood. Sidoo kale gabadha sadex sano jirka ah ee geeriyootay ayaa la siiyay daroogo, taas oo ah qeyb ka aheyd sababta keentay geerideeda.

Hooyada gabadha oo hada xiran ayaa sidoo kale ku eedeysan inay jirdil u geysatay walaalaha gabadha geeriyootay.

Dilka gabadhan ayaa aad looga hadalhayaa warbaahinta Sweden, kadib markii wargeyska Dagens Nyheter uu ka qoray maqaal xanbaarsan warbixino argagax leh.

Gabadha geeriyootay ayaa markii ay yareyd waxey waalidkeeda korinteeda u sharciyeeyeen qoys kale, balse markii ay gaartay 2 sano ayay waalidkeedii dhalay mar kale codsadeen in loogu soo wareejiyo korinteeda.

Aabaha gabadha la dilay ayaa sidoo kale ku eedeysnaa inuu qeyb ka qaatay dilka gabadha, balse bishii February ayuu ku dhex dhintay xabsiga uu ku xirnaa.

Xigasho/kilde: Mor tiltalt for drap på sin tre år gamle datter i Sverige

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of