fredag, mars 29, 2024

Soomaalida Norway oo 554.000 u uruuriyay gurmadka Qardho.

Bulshada soomaaliyeed ee dalkan Norway oo labadii isbuu ee ugu danbeeyay baraha bulshada iyo meelaha ay dadku ku xiriiraan ka waday lacag uruurin loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay fatahaada Qardho, ayaa ilaa hada soo uruuriyay lacag gaareyso 554.000 kr.

Gudiga Ururka Somali Community Council oo ah ururka lacag uruurinta Qardho masuulka ka ahaa, ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan wadarta guud ee lacagta ay u uruuriyeen magaalada Qardho iyo qaabka ay ku gaarsiin doonaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay fatahaada Qardho.

Sidoo kale waxaa iyadana wali socoto lacag uruurin ay wadaan gudiyo kale oo is xilsaaray, kuwaas oo lacag uruurin u sameynayo magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne.

Waxaa NorSom News loo xaqiijiyay in gurmaydada magaalooyinka Qardho iyo Baardheere ay ka qeybqaadatay hey´adda Kheyriga ah ee Rahma oo kamid ah hey´addaha waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha gurmadyada iyo taakuleyna danyarta.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x