R/Wasaaraha Talyaanig oo jawaab ka bixiyay naceybka iyo weerarada ka dhanka ah Caa’isha Romano.

0
87
R.W Talyaaniga iyo Aisha Romano

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ka jawaabay weerarada naceybka ah ee ka dhanka ah Silvia Romano, oo ah gabadhii Al-Shabaab laga soo daayey, ee qaadatay diinta Islaamka lana baxday magaca Caa’isha Romano.

Weeraradan iyo ololaha naceybka ayaa waxaa badankood wada kooxaha midigta-fog ee neceb Islaamka iyo dadka madow, iyo warbaahinta taageerta oo ka carreysan in gabadhan ay qaadatay diinta Islaamka

Hase yeeshee reysulwasaaraha dalka Talyaaniga, Conte ayaa ku jees-jeesay kuwa isku dayaya inay siyaasad ahaan uga faa’iideystaan rafaadkii ay soo martan gabadhan yar ee 24 jirka ah.

“Cid kasta oo warar aan jirin ka faafineysa, marka hore noqo 23 jir, ha lugugu afduubto Kenya, ha kugu qasbaan kuwa sita qoriga Kalashnikovs inaad maalinkii 9 saac ku socota kaymaha, marka aad soo marto xaaladdan oo kale, kadibna soo laabato bal nasii qiimeyntaada,” ayuu yiri Conte.

Giuliana Sgrena, oo ah suxufi Talyaani oo 2005 lagu afduubtay Iraq, ayaa sidoo kale la kulantay naceyb sidan oo kale ah, kadib markii sarkaal sirdoon oo Talyaani ah lagu dilay howl-galkii lagu soo bad-baadinayey.

“Sida cad muranada oo dhan waxay billowdaan marka kuwa la afduubtay ay yihiin haween. Cidna kama ashtakooto marka madax-furashada laga bixiyo nin ama meelaha oo kale ay ragga aadaan, balse marka ay tahay haween, waa marka aan ka daba qeylino,” ayey tiri.

Wargeyska xarunta Vatican-ka ee L’Osservatore Romano, ayaa sidoo kale cambaareeyey weeraradan aan bani’aadannimada ahayn ee ka dhanka ah Romano, wuxuuna dalbaday in kuwa cambaareynaya ay marka hore ka fakaraan silica ay soo martay.

“Xoriyadda Silvia waa inay keentaa farxad, ma ahan wax kale, hase yeeshee go’aan gaarista deg degga ah iyo weerarada xun ee ka imanaya dhinac kasta oo dalka ah ma ahan inay naga weeciyaan wixii ay gabadhan yar soo martay,” ayuu qoray wargeyska Arbacadii.

Xigasho/kilde: Caasimada.online

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments