Norway: Qoxooti si qaldan loo xukumay oo kiisaskooda dib loo furi doono.

0
208
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Kiisaska labo qof oo qoxooti ah, kuwaas oo xabsi loogu xukumay inay Norway kusoo galeen baasaboor faaliso ah(Bug ah), ayaa dib loo furi doonaa dhageysidooda, iyada ay soo baxday in xukunka dadka qoxootiga ah la xukumay uusan waafaqsaneyn xeerka qoxootiga caalamiga ah.

Gudiga dib u furista kiisaska ay maxkamaduhu sida qaldan u xukumeen ayaa sheegay in kiisaskan ay buuxiyeen shuruudihii dib u furista, ayna dhici karto in maxkamaduhu ay si qaldan u xukumeen dadka qoxootiga ee magangalyo doonka ahaa. Xeer ilaaliyaha guud ee Norway ayaa horey u diiday inuu furo kiisaska, halkan ka akhri.

Sharciga Norway ayaa dhigayo inay danbi tahay inuu qofku Norway kusoo galo baasaboor faaliso ah, waxaana qofkii arintaas lagu qabto, aana sheegin sabab lagu qanci karo oo ku kaliftay inuu baasaboor faaliso qaato, uu muteysan karaa ciqaab xabsi ah.

Balse xeerka caalamiga ah ee qoxootiga, ayaa qofka qoxootiga ah ee naftiisa u cabsanaya u ogolaanayo inuu qaadan karo baasaboor faaliso ah, hadii ay jirto sabab ka horistaagi karto inuu qaato baasaboorkiisa rasmiga ah. Norway ayaa horey u saxiixday xeerka qoxootiga caalamiga ah, waxaana dowlada Norway waajib qaanuuni ah ku ah inay raacdo ama tixgaliso qodobadiisa.

Norway ayaa horey xabsiyo ugu xukuntay dad qirtay inay wateen baasaboor faaliso ah, markii ay wadanka soo galeen. Arintaas oo hadana sababtay inay diidmo ka heleen codsiga magangalyada, maadaama danbi ciqaab lagu muteysto loo xukumay.

Maxkamada sarre ee Norway ayaa sanadkii 2014 qeexday in xukunada dadkaas qoxootiga ah la xukumay ay baalmarsanyihiin xeerka qoxootiga caalamiga ah ee aduunka.

Lama oga tirada dadka qoxootiga rasmiga ah ee arintan ay ku dhacday ama sida qaldan loo xukumay, balse qareenanada qoxootiga ayaa qirsan inay gaari garaan boqolaal qof.

Xigasho/kilde: Asylsøkere tilsto falsk ID – får sakene sine gjenopptatt

wp_ad_camp_1]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments