fredag, mars 29, 2024

Norway: Magaalo codsatay in si gaar ah looga daayo karantiilka booqashada SWEDEN.

Maamulka magaalada Halden ee kutaal xuduudka dalalka Norway iyo Sweden ayaa dowlada ka codsaday in dadweynaha magaaladaas kunool laga daayo sharciga karantiilka ee waajibka looga dhigay dadka Norway kunool ee kasoo noqdo wadamada dibadda ah.

Sida uu qoray wargeyska Halden Arbeidsbladet Maamulka magaalada ayaa sheegay in isku socodka nolosha iyo ganacsiga dadka kunool magaaladaas uu ku xiranyahay xuduudka dalka Sweden, iyaga oo wasaaradda caafimaadka u sheegay in sharciga karantiilka ee dadka ka gudba xuduudka Sweden uu saameyn xoogan ku yeeshay dadweynaha magaalada kunool. Waxeyna codsadeen in fiiro gaar ah loo sameeyo magaalooyinka dhaca xuduudka Sweden, lagana fududeeyo karantiilka 10-ka maalmood ah ee la saaray dadka SWEDEN booqdo.

Wasaaradda caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa diiday codsiga maamulka magaalada Halden. Isaga oo raaciyay in dadka ay dowladu fiiro gaar ah u sameysay ay yihiin oo kali ah dadka ka shaqeeyo magaalooyinka dhaca xuduudka Sweden. Balse aan fiiro gaar ah loo sameyn doonin dadka raba inay kasoo adeegsataan xuduudka Sweden.

Dowlada Norway ayaa waajib uga dhigtay qof kasta oo Norway kasoo gala wadanka dibaddiisa uu galo 10 maalmood oo karantiil ah, si loo hubiyo inuu jirkiisa ku jiro xanuunka Corona-virus.

Xigasho/kilde: Halden ber om karantenefritak for alle sine innbyggere

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x