torsdag, april 25, 2024

Norway iyo Denmark oo ku heshiiyay isku furitaanka safarada fasaxa(Ferie).

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo daqiiqado kahor soo gaba-gabeysay shir jaraa´id oo ay qabatay ayaa sheegtay in dowladaha Norway iyo Denmark ay ku heshiiyeen inay isku furaan isku socodka safarada fasaxa(Feriereiser) ee labada wadan, wixii ka bilowdo 15-ka bisha Juun ee sanadkan.

Solberg ayaa sheegtay in ujeedku uu yahay inay Norway noocaas oo kale ay la gasho wadamada kale ee Nordica. Iyada oo cadeysay inay socdaan wadahadalo u dhaxeeyp Norway iyo wadamada kale ee Nordica.

Arrintan ayaa ka dhigan in muwaadiinta kunool Norway iyo Denmark ay fasaxyo u aadi karaan labada wadanba.

Reysulwasaaraha Norway ayaa dadka raba inay ka faa´iideystaan fursadah cusub ee fasaxa ku boorisay inay si fiican u akhriyaan xeerarka iyo sharciyada xakameynta faafitaanka xanuunka Corona ee labada dalba.

Copenhagen iyo Frederiksberg: Xeerar gaar ah

Shirka jaraa´id ee dowlada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Denmark ay go´aamisay in qofka dalxiisaha ah ee Denmark booqanayo ay waajib ku tahay inuu raaco xeerar gaar ah oo loo dajiyay. Waxaana kamid ah in dalxiisuhu uu booqan karo oo kali ah magaalooyinka København iyo Fredeisberg, balse uusan seexan karin ama ku dhixi karin. Suu booqan karo ee raba inuu

Xigasho/kilde: Lov med ferie i Danmark, men ikke bo i København

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x