Norway: Hadii aad danbi gasho, waa inaad jinsiyada Norway sugtaa sanado dheeri ah.

0
101

Sida lagu sheegay war safaaxadeed lagu soo daabacay webka rasmiga ah ee dowlada Norway(Regjeringen.no), dowlada ayaa kordhisay mudada qofka ajnabiga ah ee danbiyada galay la ganaaxi doono, kahor inta aan loo ogolaan qaadashada jinsiyada Norway.

Qofkii ajnabi ah ee buuxiyay shuruudihii helista jinsiyada Norway, balse galay danbiyo uu ku muteystay ciqaab xabsiyeed, ayaa horey loogu ganaaxi jiray sanado sugitaan ah, kahor inta aan loo ogolaan qaadashada jinsiyada Norway.

Sanadaha sugitaanka ee ganaaxa ah, ayaa hadba ku xiran danbiga uu qofku galay iyo mudada ciqaabta xabsiyeed ee danbigaas uu ku muteystay. Xukuumada Norway ee hada joogto, ayaa sii kordhisay mudadii ganaaxa sugitaanka ah ee qofka danbiga galay lag ciqaabi jiray, kahor inta aan loo ogolaan qaadashada jinsiyada Norway.

Tusaale ahaan, hadii aad gashay danbi aad ku muteysatay ciqaab xabsiyeed dhan 20 maalmood oo xabsi ah, waa inaaad qaadashada baasaboorka Norway sugtaa 3 sano oo dheeri ah. Hadii aad gashay danbi aad ku muteysatay ciqaab xabsiyeed dhan 6 bilood, waa inaad qaadashada jinsiyada Norway sugtaa 6,5 sano.

Halkan ka fiiri liiska:

Kilde: Regjeringen.no.
Mudada ciqaabta xabsiga iyo Sanadaha uu qofka sugayo qaadashada jinsiyada Norway.

Xigasho/kilde: Personer som er straffet må vente lenger for å bli norske statsborger

NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna subcribe saar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments