fredag, mars 29, 2024

Norway: Dowlada oo ogolaatay inay qoxooti kasoo qaadato Giriiga.

Kalfadhi ay maanta yeesheen baarlamaanka Norway, ayay xisbiyada bahwadaagta ku ah xukuumada kataliso Norway ee Høyre, Krf iyo Venstre isku raaceen inay Norway ka qeybqaadato dib u dajinta loo sameynayo qaar kamid ah qoxootiga ku go´doonsan xerada Moria ee dalka Giriiga. Halkan ka akhri

Wasiiradda cadaalada Norway, Monica Mæland oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in wali aan go´aan laga gaarin tirada qoxootiga ay Norway soo qaadaneyso, balse hada la isku raacay in guud ahaan Norway ay qeyb ka noqoto dib u dajinta ay wadamada EU-du u sameynayaan qaar kamid ah qoxootiga kunool xerada Moria ee dalka Giriifa.

Norway ayaa ku adkeysaneyso inay soo qaadaneyso qoxooti, hadii ay arintaas sameynayaan ugu yaraan 8 ilaa 10 wadan oo kale oo Yurub ah. Waxeyna wasiiradda cadaaladu sheegtay inay Norway soo qaadan doonto dadka ay u badantahay inay magangalyo ka helaan Norway, gaar ahaan caruurta iyo qoysaska.

Xigasho/kilde: Regjeringspartiene enige om Moria-løsning

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x