torsdag, mars 28, 2024

Norad: Norway waxey sanadkii 2019 Soomaaliya ugu deeqday 563 milyan.

Sida lagu sheegay warbixin lagu soo bandhigay boga hey´adda wasaaradda arrimaha dibadda dowlada Norway u qaabilsan deeqaha ee NORAD, Sanadkii lasoo dhaafay, dowlada Norway ayaa Soomaaliya ugu deeqday ama magaca Soomaaliya ku bixisay, lacag gaareyso 563 milyan oo lacagta Norway ah. Una dhiganta qiyaastii 56 milyan dollar $.

Soomaaliya ayaa mar kale kamid noqotay mid kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu badan ee deeqda ah ka hela Norway. Waxeyna Soomaaliya kujirtaa khaanada, wadamada loo yaqaano saaxiibka dhow ee xiliga dheer ee Norway.

Lacagta ay Norway siisay ayaa inta badan marta hey´addaha Norwiijiga ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka, hey´addaha qaramada Midoobay iyo hey´addaha laga leeyahay dalalka kale ee howlgala Soomaaliya. Waxaana inteeda badan lagu bixiyaa wax loogu yeero arrimaha maalgalinta hagaajinta maamulka iyo xalinta khilaafaadka, gargaarka iyo arrimaha kale ee la xiriira. Hoos ka fiiri.

Sida ka muuqato warbixinta Norad, dowlada magaceeda lagu bixiyo ee Soomaaliya, ayaan taageero dhaqaale oo toos ah ka helin Norway, gaar ahaan arinta la xiriirta taageerada miisaaniyada ee tooska ah.

Norway ayaa sidoo kale sanadkan bilowgiisa Soomaaliya ka damaanad qaaday lacag gaareyso 400 milyan oo Soomaaliya looga lahaa Bangiga aduunka, taas oo aheyd talaabo ay Norway Soomaaliya kaga gacan qabatay barnaamijka deyn cafinta oo markii danbe guuleystay.

Halkan ka akhri warbixinta Norad: Somalia- Bilateral bistand 2019: 563.1 millioner kroner

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x