Nirvan(6 sano jir): Waxaan jeclahay inaan ku heeso heesaha soomaalida.

0
145
Foto: Skjermsnut/Facebook

Nirvan, waa wiil yar oo 6 sano jir ah, kuna dhashay dhashay dalka Sweden. Labadiisa waalid waxey ka soo jeedaan dalka Iiraan, midkoodna kuma hadlo luuqadda Afka Soomaaliga. Hase yeeshee wiilkooda ee 6 sano jirka ah, waxana xiiseeyaa, kuna luuqeeyaa heesaha soomaaliga.

Baraha bulshada ayaa lasoo galiyay Nirvan oo qaadayo heeso soomaali soomaali ah, gaar ahaan heesaha heesaha uu qaado fanaanka Suldaan Zeeraar.

Nirvan, waxa uu dhigtaa dugsiyada xanaanada caruurta ee magaalada Stocklom. Waxaana xanaanada la dhigto caruur soomaali, sidoo kale waxaa macalin u ah oo wax ka xanaaneeyo macalimad soomaali ah. Wuxuuna sheegay in ku hadalka afka Soomaaliga iyo ku heesitaanka heesaha soomaalida ay yihiin wax xiiso leh.

Halkan ka daawo Nirvan oo ku heesayo mid kamid ah heesaha uu qaado Suldaan Seeraar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments