(Nettavisen): Dilaagii masaajidka Bærum: Waxaan ku fakaray inaan Grønland baabuur dad ku jiirsiiyo.

0
87
Foto: TV-Skjermdump

Philip Manshaus oo ah ninkii ka danbeeyay weerarkii argagaxiso ee bishii August lagu qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum, ayaa markii hore qorsheeyay inuu dad ku laayo xaafada Grønland ee ajaaniibtu iyo soomaalidu ku badantahay.

Waraaqo uu ninkan qoray oo uu helay wargeyska Nettavisen, ayaa lagu ogaaday inuu qorsheeyay dhowr siyaabood oo kala duwan oo ku dili karo dadka ugu badan, isaga oo adeegsanayo baabuur uu dad jiirsiiyo iyo dhowr qori oo kala duwan oo uu dad ku laayo. Mid kamid ah meelaha uu calaamadsaday, ayaa waxaa kamid ah xaafada Grønland.

Waxyaabaha uu Grønland ku qiimeeyay ayaa waxaa kamid ahaa inay Grønland joogaan dad badan oo dhalinyaro ah oo dili karo, balse ay ku dhowdahay saldhiga booliska Oslo, sidaas darteed uu heli doono waqti aad yar oo uu howshiisa ku fulin karo, uuna ku dhici karo Stress inta uu howlgalkiisa wado.

Ninkan ayaa qoraalo hore oo uu qoray oo la helay ku cadeeyay in ajaaniibtu ay dhalaan ilmo aad u badan, mar dhowna uu dadka cadaanka ah kala wareegi doonaan dhulkooda. Wuxuuna sheegay inuu rabo dadka ugu badan ee muslimiin ah ee uu armo.

11-kii August ee 2019 ayuu weerar ku qaaday masaajidka Al noor ee Bærum, balse wuxuu ku aaday xili ay dad u yar joogaan masaajidka. Waxaana lagu guuleystay in laga hortagi inta uusan qofna dilin. Halkan kasii akhri

Philip Manshaus ayaa dhageysiga dacwadiisu bilaaban doontaa isbuuca danbe.

Xigasho/kilde: Philip Manshaus skal ha planlagt terrorangrep i Oslo sentrum

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments