torsdag, april 25, 2024

NAV: Waxaan helnay 351 fariin oo ku saabsan khiyaano la xiriirta shaqo ka fariisinta (permittering).

Xafiiska shaqada iyo taakuleynta dadweynaha ee NAV, ayaa sheegay inay heleen 351 fariimood oo ku saabsan wax isdabo marin iyo khiyaano la xiriirta sharciga shaqo ka fariisinta ee » Permittering»ka. Shirkado iyo shaqsiyaad ayaa NAV lagu soo wargaliyay inay sameeyeen khiyaano la xiriirta sharciga shaqo ka fariisinta oo dhawaan isbadal khafiifin ah lagu sameeyay.

272 fariimood oo NAV lasoo gaarsiiyay, ayaa ku saabsan shirkado sameeyay khiyaano shaqo ka fariisin. Horey waxay warbaahinta Norway u qortay in shirkado badan ay shaqaalaha ka codsadeen inay shaqeeyaan, iyaga oo NAV ka diiwaangaliyay in shaqada laga fariisiyay oo xaafadahoodii loo diray. Waxeyna sheegeen inay taas u sameynayaan, si ay shirkada uga badbaadiyaan inay kacdo(burburto), uuna u baaqdo dhaqaalaha lagu bixiyo mushaarka shaqaalaha shirkada ka shaqeeya.

Hadii uu qofka NAV ka diiwaangaliyo in shaqada laga fariisiyay, uuna buuxiyay shuruudihii kale, waxaa mushaarkiisa bixisa hey´adda NAV. Dowlada Norway ayaa sidoo kale dabcisay shuruudaha la xiriira shaqo ka fariisinta iyo mushaarbixinta NAV, maadaama lagu jiro xaalad dhaqaale xumo oo ka dhalatay xanuunka Corona-virus.

Ole Johan Heir oo madaxa qeybta dabagalka u qaabilsan NAV ayaa NRK u sheegay in tiradan ay tahay mid aad u badan, marka lala barbardhigo tirooyinkii sanadihii lasoo dhaafay. Gaar ahaan wuxuu sheegay inay aad u korortay tirada shirkadaha sameeyay khiyaanada la xiriirta shaqo ka fariisinta.

Xigasho/kilde: Har fått inn 351 tips om permitteringsjuks: – Et høyt tipsantall

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x