fredag, mars 29, 2024

Kripos: Caruuro badan ayaa lacag loo balanqaadaa, si ay usoo diraan sawiradooda oo qaawan.

Laanta booliska Norway u qaabilsan ka hortaga iyo baaritaanka danbiyada agaasiman(Kripos), ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in caruur badan internetka loogu balanqaado lacago iyo hadiyado, si ay usoo diraan sawiradooda oo qaawan. Arintaas ay leedahay wel-wel xoogan oo sii kordhaya.

Hanne Andreassen oo katirsan Kripos ayaa sheegay in lacago aad u badan loo soo bandhigo caruurta, si ay usoo diraan sawiradooda oo qaawan. Ayna dhacdo in caruurta qaarkood ay aqbalaan lacagtaas badan, ayna diraan sawiradooda.

Hey´adda ilaalinta iyo la socoshada warbaahinta iyo aaladaha xiriirka (Medietilsynet) oo dalbatay warbixinta Kripos kasoo baxday, ayaa sheegtay in 12% caruurta tobon-jirada ah ay sawirada iyaga oo qaawan ay la qeybsadeen dad kale. 13% kamid ah dhalinyarada sawiradooda la qeybsaday dad kale, ayaa sheegay inay lacag ku badasheen sawirada.

Laanta booliska ee Kripos ayaa sheegtay in internetku uu yahay meesha ay kuwo caruurta ka codsado sawirada qaawan, ay kula xiraan caruurta. Waxeyna boolisku sheegeen in dadkaas ay la xiriiraan caruur aad u badan, ayna usoo bandhigaan lacago iyo hadiyado.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in wiilashu ay yihiin caruurta ugu badan ee loo bandhigo lacagta, si ay sawiradooda usoo diraan. 22% wiilasha lagu wareystay warbixinta ayaa sheegay in sawiradooda ay qaawan ay ku badasheen lacag, halka 6% gabdhuhu ay arintaas oo kale sameeyeen.

Booliska ayaa codsanayo in lasoo wargaliyo hadii ay arrimahan oo kale lasoo gudboonaadaan caruurta. Gaar ahaan dadka adeegsada aaladaha baraha bulshada, si ay dhalinyarada uga codsadaan inay sawiro usoo diraan.

Xigasho/kilde: Kripos bekymret for at barn tilbys betaling for nakenbilde

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x