onsdag, april 24, 2024

Hooyo dhalinyaro soomaali ah iyo dowlada Norway oo mar kale loogu kala garqaadayo maxkamada Yurub.

Gudiga sarre ee garsoorayaasha maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa aqbalay dhageysiga dacwad u dhaxeyso dowlada Norway, gaar ahaan hey´adda caruurta ee barnevernka iyo hooyo dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Maria Abdi.

Hooyadan soomaalida ah ayaa horey bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay dowlada Norway, gaar ahaan barnevernka uga guuleysatay kiiska kala dhaxeeyay, waxaana Dowlada Norway lagu xukumay inay jabisay qodobka ilaalinta xuquuqda qofka ee qoyska. Halkan kasii akhri

Kiiska dacwada ah ee ka dhaxeeya barnevernka iyo hooyadan soomaalida ah, ayaa ku saabsan wiil ay dhashay hooyadan soomaalida ah oo xanaanadiisa laga wareejiyay hooyadiis, laguna wareejiyay qoys Norwiiji ah oo korsado.

Sida uu qoray Dagbladet, hooyadan soomaalida ah ayaa Norway qoxootinimo ku timid sanadkii 2010 iyada oo 16-sano jir ah, waxeyna xiligaas wadatay wiil yar oo ay dhashay.

Hey´adda barnevernka ayaa markii hore hooyadan soomaalida ah ee dhalinyarada aheyd xiligaas ka wareejiyay masuuliyada iyo korinta xanaanada wiilkeeda yar, waxaana markii danbe si qasab ah(tvangadopsjon) korintiisa loogu sharciyeeyay qoys masiixi ah.

Hooyadan soomaalida ah ayaa dacwad ka gudbisay go´aanka barnevernka, balse Barnevernka Norway ayaa hooyadan kaga guuleysatay sadex heer maxkamadeed ee dalkan Norway. Taas oo markii danbe keentay inay kiiskeeda usii gudbiso maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub.

Qodobka 8-aad iyo kan 9-aad:

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu uu yahay dalka Faransiiska ayaa sanadkii lasoo dhaafay dowlada Norway ku xukuntay inay hooyadan soomaalida ah iyo wiilkeedaba ka gashay qalad dhanka xeerka xuquuqul insaanka Yurub ah, maadaama ay jabisay qodobka 8-aad ee xuquuqda qoys ahaaneed ee qofka.

Qareenka hooyadan soomaalida ah ayaa mar kale dacwad ka gudbiyay kiiskan, iyada oo markan xooga la saarayo qodobka 9-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, kaas oo ku saabsan xuquuqda qofka ee xoriyada diinta.

Qareenka hooyadan oo Dagbladet la hadlay ayaa sheegtay, in xukunkii koowaad ee maxkamada uusan si fiican u qeexin qaladka ay dowlada Norway gashay ee qodobka 9-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, sidaas darteed ay markan rabaan in maxkamadu ay qodobkaas si aad ah u fiiriso. Gaar ahaana arinta ku saabsan in wiilka Maria Cabdi si qasab ah korintiisa loogu wareejiyay qoys masiixi ah oo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ka duwan.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub, gaar ahaan gudigeeda sare ee garsoorayaasha ayaa mar kale aqbalay inay dhageystaan kiiska hooyadan soomaalida ah iyo dowlada Norway. In gudiga sare ee garsoorka maxkamada Yurub ay aqbalaan dhageysiga dacwadan, ayaa muujinayo culeyska iyo miisaanka dacwada kiiskan.

Xigasho/kilde: Ny EMD-krise: – Historisk(Halkan ka akhri, riix linkiga)

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x