Germany: Hadii aad calan dal gubto: Sadex sano oo xabsi ah.

0
110
Foto: Johannes Fechner/Instgram

Baarlamaanka dalka Germany ayaa shaley ansixiyay sharci danbi ka dhigayo in gudaha dalka Germany lagu gubo calanka Midowga Yurub ee EU-da iyo calamada iyo sumadaha dalalka kale ee caalamka.

Ciqaabta gubista calamada dalalka kale ayaa wuxuu qofku ku muteysan karaa ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Sharciga shaley la meelmariyay ayaa ka dhashay caro laga muujiyay dhacdo sanadkii 2017 lagu gubay calanka Israel. In la gubo calanka Israel ayaa sharci daro horey uga aheyd dalka Germany, balse sharcigan cusub ayaa qeexitaan fiican ka bixinayo ciqaabta lagu muteysan karo gubista calamada dalalka kale.

Wixii ka horeeyay hada, wuxuu qofku gubista calanka Germany iyo kan EU-da ku muteysan karay ganaax lacageed, halka gubista calamada dalalka kale aysan sharci daro horey uga ahaan jiray dalkaas.

Balse wixii hada ka danbeeyo, qofkii guba calanka Germany, kan EU-da iyo calamada dalalka kale, wuxuu muteysan karaa ciqaab gaari karto 3 sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: FENGSELSSTRAFF FOR Å BRENNE ANDRE LANDS FLAGG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments