torsdag, april 25, 2024

Dowlada oo rabta in xeer loo sameeyo ajaaniibta loo diidi karo inay xuduudka Norway soo galaan.

Dowlada Norway ayaa tan iyo 16-kii bishii Maarso si kumeel gaar ah u xirtay xuduudaha dalkeeda, sabab la xiriirta xakameynta faafitaanka xanuunka Corona-virus. Waxaana ilaalo xoogan la dhigay dhamaan xuduudaha Norway, iyada oo dadka ajaaniibta ah ee aan wax xiriir ah la laheyn Norway, laga celinayo xuduudka Norway, hadii aysan jirin sabab ay Norway usoo gali karaan oo lagama maarmaan ah.

Dowlada ayaa hada rabto in sharci iyo xeer loo sameeyo arintaas, si dowladu ay u hesho awood sharciyeed oo arintan ku saabsan, gaar ahaan qofka loo diidi karo inuu Norway xuduudkeeda soo galo iyo qofka loo ogolaan karo. Waxeyna dowlada baarlamaanka u gudbisay soo jeedin sharciyeed oo arintaas ku saabsan, sharcigaas oo dhaqangalkiisu uu socon doono inta sanadkan 2020 ka dhiman.

Soo jeedinta ugu weyn ee dowlada ayaa ku saabsan in qof walba oo aan Norway u dhalan ama aan la laheyn xiriir ama ku heysan sharci shaqo ama magangalyo, laga celiyo xuduuda, hadii aysan jirin sabab iyo baahi keeni karto in loo ogolaado soo galitaanka Norway.

Dadka raba inay Norway iska dhiibaan ama magangalyada ka codsadaan ayaan iyagu ku jirin dadka laga celinayo xuduuda.

Wasiiradda cadaalada, Monica Mæland ayaa sheegtay inay si dhow oo hoose ula socdaan xaalada, ayna qiimeynayaan wax kasta oo arintan kusoo kordho. Iyada oo sheegtay inay dhici karto in lasoo adkeeyo arrimaha qaarkood, hadii la arko baahi loo qabi karo.

Dowlada ayaa rabto in qofka walba oo loo diido soo galitaanka Norway uu ka noqdo xuduuda isla markaasba, sidoo kale dadka Norway ku sugan ee aan heysan ogolaanshaha shaqada ama magangalyada, ayay dowladu rabtaa inay dalalkoodii u celiso.

Wasaaradda cadaalada ayaa soo jeedinteeda ku dartay in qofkii jabiya arintan uu muteysan karo ganaax lacageed ama ciqaab xabsiyeed oo gaareysa 6 lixbilood.

Xigasho/kilde: Vil ha innreiseregler til Norge frem til januar

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x