Dowlada oo ogolaaneyso kulamada 50-ka qof, hadii ay buuxiyaan shuruudahan.

0
118
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Wikipedia

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa shir jaraa´id oo uu qabtay isbuucan ku sheegay in dowladu ay wixii ka bilowdo 7-da bishan May ogolaan doonto inay kulmi karaan 50 qof. Balse waa in masaafo(Avstand) hal mitir ah ay u dhaxeysaa dadka meesha wada joogo.

Wasiirka ayaa sheegay in la ogolaan doono kulamada 50-ka qof ay isugu imaan karaan, hadii qofka kulanka qabanayo uu yahay qof masuul ah, isla markaana ka warqaba dadka meesha isugu imaan doono, ilaalin karana shuruucda xakameynta xanuunka covid-19.

Wuxuuna wasiirku sheegay in isbuuca soo socdo ay dowladu soo saari doonto shuruuc dheeri ah oo arintaas la xiriira.

Isaga oo raaciyay in hadii ay xaaladu sidaan kusii socoto, laga bilaabo bartamaha Juni ay dowladu ka fakareyso inay ogolaado kulamada ay isugu imaan karaan 200 qof.

Xigasho/kilde: Det blir lov med arrangementer på inntil 50 personer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments