fredag, mars 29, 2024

Dowlada oo 456 milyan oo meelmarisay arrimaha ajaaniibta iyo qoxootiga

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo maanta qabatay shir jaraa´id ayaa sheegtay in xukuumadeedu ay meelmarisay tiro lacageed oo dhan 27 bilyan oo lacag Norway ah, taas oo loogu talagalay soo celinta dhaq-dhaqaaqa nolosha iyo ganacsiga Norway, kadib 2 bilood iyo bar uu wadanku xirnaa.

Wasiirka maaliyada Norway, Jan Tore Sannder ayaa sheegay in ujeedka xukuumadu ee ansixinta 27-ka bilyan ee kr uusan aheyn in dowladu ay qeybiso lacago malaayiin kr ah, balse uu yahay in la qaado talaabooyin dib loogu kicinayo shirkadaha shaqada ka fariistay, dib u kobcisna loogu sameynayo dhaqaalaha Norway ee istaagay.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ka biyo diidsan habka ay dowladu rabto inay u qeybiso lacagta, waxeyna sheegeen in siyaasada dowlada ay tahay mid abaari karta isku dheeli tirnaan qeybaha bulshada ah.

Dowlada ayaa lacagta u qeybiyay arrimaha soo socdo:

  1. Qorshaha in dib shaqada loogu soo celiyo dadkii shaqada laga fariisiyay.
  2. Qorshaha in la abuuro ilo dhaqaale oo kale oo ganacsiga Norway uu ku taagnaan karo.
  3. Qorshaha u diyaargawoga u guuritaanka mustaqbalka cagaaran(La yareeyo adeegsiga shidaalka)
  4. Qorshaha balanqaadka dowlada ee ahaa dhameystirka dib u habeynta nidaamka waxbarashada
  5. Qorshaha in qoxootiga in ajaaniibta loo sameeyo dhaxgalin iyo ka qeybqaadasho.

dowlada ayaa arrimaha ajaaniibta iyo qoxootiga cusub u qoondeesay 456 milyan kr oo ka baxsan lacagihii horey loogu qarash gareyn jiray ajaaniibta.

Xigasho/kilde: Regjeringen bruker 27 milliarder kroner – får hard kritikk

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x