Dadkii ugu yaraa ee 30 sano Norway magangalyo weydiista : 537 qof.

0
86
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Sanadkii 2015 waxaa Norway magangalyo soo weydiistay dadka qoxooti ah oo gaaraya 31.000 qof.

Balse shan sano kadib, ilaa hada sanadkan 2020, waxaa Norway qoxooti soo weydiistay dad gaaraya 537 qof oo kali ah. Tiradaas oo ah midii ugu yareyd mudo 30 sano ah.

Bishii na dhaaftay ee April waxaa Norway qoxootinimo soo weydiistay dad gaaraya 35 qof oo kali ah.

Saas oo ay tahay, hey´adda agaasinka qoxootiga dalka Norway ayaa wali aaminsan in qoxooti tiro badan ay imaan karaan Norway. Sababta ay u yaraatay tirada qoxootigana ay tahay xuduudaha Yurub ee xiran, xanuunka Corona Awgiis. Waxeyna UDI-du kordhisay tirada boosaska lagu qaabilo dadka qoxootiga ah ee cusub.

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2017 iibsatay meel hore u ahaan jirtay saldhig milatari oo ku taal duleedka magaalada Råde ee gobolka Østfold, halkaas oo loogu talagalay ku xareynta dadka qoxootiga ah. Waxaana xaruntaas ku baxday balaayiin kr, Balse ilaa hada labadii bilood ee ugu danbeysay hal qof oo qoxooti ah halkaas lama geyn, inkasta oo wali uu socdo qarashaadka ku baxo xaruntaas qoxootiga loo qorsheeyay.

Xigasho/kilde: Laveste asyltall på 30 år – likevel øker antall mottaksplasser

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments