fredag, april 19, 2024

Corona-virus, waxaan ka baranay baahida loo qabo dhismaha jaaliyad/Community soomaaliyeed oo rasmi ah.

Labadii bilood ee ugu danbeeyay, waxaa guud ahaan dalkan Norway hareeyay wararka ku saabsan xanuunka Corona-virus oo aduunka dacaladiisa aad ugu faafay. Inkasta oo Norway saameynta uu xanuunku ku yeeshay ay aad uga yartahay, marka lala barbardhigo wadamada Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka, hadana saameynta uu ku yeeshay nolosha bulshada Norway, ayaa aheyd mid muuqata, caafimaad ahaan, bulsho ahaan iyo shaqo ahaanba.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway, ayaa bilowgii sheegtay in tirada dadka soomaalida ah ee xanuunku uu ku dhacay ay aad u badantahay marka loo eego tirada ay soomaalidu ka yihiin wadanka. Sidoo kale dhakhtarada xaafadaha ay ku badanyihiin ajaaniibta ee Oslo, ayaa iyagana ka digay tirada dadka soomaalida ah ee xanuunku uu soo ritay ee la dhigay isbitaalka.

Ururo iyo shaqsiyaad dagaal sameeyay:

Soomaalidu Norway waxey inta lagu jiray xanuunka Corona-virus muujiyeen dadaal xoogan oo ku saabsan wacyigalinta xanuunka Corona-virus, iyada oo mudo kooban tirada soomaalidu uu xanuunku ku dhacay ay isdhintay 97%. Waxaana howshaas isku xilsaaray oo qeyb ka qaatay, abaabulkeedana lahaa ururo kala duwan oo soomaali iyo dhakhaatiirta soomaalida ah oo muujiyay dadaal dheeri ah. Waxaana howshaas qirtay wargeysyada Dagbladet iyo Aftenposten, kuwaas oo bogooda koowaad kusoo qoray dadaalka soomaalida.

Sidoo kale soomaalida Norway ayaa si xoogan uga dagaalamay wararka ay warbaahintu sida qaloocan u qortay ee ku saabsanaa tirada dadka soomaaliyeed ee uu xanuunka haleelay. Waxaana baraha bulshada iyo warbaahinta Norway laga arkayay maqaalo kala duwan, iyada soomaalidu ay xiriiro toos ah la sameysay hey´addaha caafimaadka dowlada, kuwa booliska iyo waliba warbaahinta. Dadaalkaas oo ugu danbeyn sababay inay hey´addaha caafimaadku ay si kumeel gaar ah u joojiyaan soo bandhigista maalinlaha aheyd ee tirada soomaalida uu xanuunku haleelay. Waxaana dadaalka howshaas lahaa dhalinyarada soomaalida ee Norway wax ku baratay, kuwaas oo ka xanaaqsanaa qaabka ay warbaahintu u qaloocisay wararka ku saabsan soomaalida iyo xanuunka Corona.

Waxaa maqan doorkii jaaliyada ee isku xirka dadaalada soomaalida:

Xiligan la joogo Norway kama jirto jaaliyad soomaaliyeed oo rasmi ah oo mideysa soomaalida Norway, marka laga reebo ilaa 10-meeyo urur oo sheegta ama isku diiwaangaliyay magaca jaaliyad soomaaliyeed. Waana taariikh caado ah oo soo jirtay in sanadkiiba ay soo baxaan ururo is daba ordaya oo sheeganaya jaaliyado soomaaliyeed, taas oo kamid ah waxyaabaha dib u dhigay isku xirnaanta bulshada soomaaliyeed ee wadanka.

Taas badalkeeda, waxaa magaalooyinka qaarkood ka jira jaaliyado lokal ah oo xoogan oo ay sameysteen dadka soomaaliyeed ee magaalooyinkaas kunool. Kuwaas oo si aad uga dhex muuqday dadaaladii la xiriiray wacygalinta xanuunka Corona-virus. Tusaale ahaan, soomaalida Bergen oo si abaabulan uga qeybqaatay dadaalka iyo kuwo Fredrikstad.

Inta lagu jiray xanuunka Corona-virus, waxaan baranay baahida weyn ee loo qabo dhismaha jaaliyad ama community ay leedahay soomaalida kunool Norway, taas oo isku xirta ama Koordinate-gareysa dadaalada ay wadaan ururada iyo shaqsiyaadka soomaalida ah ee dadaalaya, bulshada kamid ah. Jaaliyadaas oo hadii loo sameeyo hab nidaamsan, aqoon lagu dhiso, lagana bilaabo gunta hoose, keeni karto inay ixtiraamaan hey´ddaha Dowlada iyo warbaahinada, loogana danbeeyo matalaada qadiyadaha saameeya soomaalida.

Intii aan ku jirnay xanuunka Corona-virus, waxaa mar kale cadaatay in soomaalida Norway ay saaranyihiin isku doon, isku qaabna loo xisaabiniyo, si kasta oo iyaga dhexdoodu ay isku qeybiyaan ama isku kala dhig-dhigaanba. Waxaana soo baxday foolxumada isku dhex yaaca iyo kala daadsanaanta heysata bulshadeena, marka lala hadlayo warbaahinta ama aan rabno inaan wax ka qabano howl dhamaanteen noo muhiim ah. Sidoo kalena waxaa soo baxday tayo, fahan iyo aqoon la´aanta ururada 10-ka gaaraya ee sheegta inay soomaalida matalaan.

Maadaama ay Norway kunool yihiin dhalinyaro Norway ku kortay, aqoon jaamacadeed Norway ka qaadatay, lehna awood luuqadeed, mid faham bulsho iyo dhaqan, waxaa muhiim ah in wixii hada ka danbeeyo howlaha muhiimka ee la xiriira dhismaha community ay soomaalida Norway leedahay. Howshaas oo ah mid u baahan aqoon, fahan iyo hiigsi dheer. Anaga oo ka tusaale qaadaneyno dadaaladii ay soomaalida Norway ay sameeyeen dhowrkii isbuuc ee na dhaafay.

Wixii fikir ah ee ku saabsan qaab lagu heli karo ama lagu dhisi karto community soomaaliyeed oo Norway ka dhisan, bulshadana mideeya, waxaad fikirkaada noogu diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x