fredag, mars 29, 2024

Boolis wareystay 15-jir dilay wiil soomaali ah oo maxkamad la saarayo.

2 askari oo katirsan booliska Norway ayaa lagu eedeeyay qaabka ay u wareysteen wiil 15 sano jir ah oo dhamaadka sanadkii 2016 magaalada Kristiansand ku dilay wiil soomaali ahaa oo 14 sano ahaa iyo haweenay macalimad aheyd oo 48 sano jir aheyd.

Labadan askari ayaa lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga waajibka-adeega booliska, kadib markii ay 15-jirka oo markaas eedeysane ahaa ay wareysi la yeesheen, isaga oo uusan la joogin qareen difaaca. 15-jirka ayaa labada askari ee booliska ah ee hada la dacweeyay u qirtay inuu ka danbeeyay dilka labada qof, isaga oo uusan la joogin qareenkiisa gaarka ah.

15-jirka ayaa markii danbe lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbiga ah inuu ka danbeeyay dilka wiil 14 sano soomaali ah oo ay saaxiibo ahaayeen iyo haweenay 48 sano jir ah.

Xigasho/kilde: Politimenn tiltalt etter avhør av drapssiktet 15-åring

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x